Salaad roob doon ah oo maanta laga tukaday Baladweyne

0
443

Baladweyne(Radio Beerlula)-Shacabka magaalada Baladweyne ayaa maanta qaarkood salaad roob doon ah ku kala tukaday iskuulka Mujamac oo ku yaalla xaafadda Kooshin iyo suuqa xoolaha xaafadda howlwadaag.

Sheekh Mustaf Xaaji Cilmi, sheikh Maxamed Nuur Cabdiraxmaan Maamulaha iskuulka Mujamac Cabdulahi Xasan Barkhadle iyo Sheekh Mustaf Axmed Cali oo qeyb galay salaadda roob doon ah ee lagu tukaday iskuulka mujamac ayaa dadka ka soo qeyb galay salaada kula dardaarmay inay is cafiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here