Salah oo ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka Premier League ee PFA

0
202

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xiddiga reer Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ku guulaystay abaal-marinta xiddiga sanadka horyaalka Premier League ee PFA.

Waa markii labaad ee Mohamed Salah uu ku guuleysto abaal-marintaan, kaddib markii uu ku guuleystay xilli ciyaareedkii 2017-2018.

Ururka ciyaartoyda xirfadlayaasha ah ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Mohamed Salah uu abaal-marintan ku garaacay xiddigaha Sadio Mane, Virgil van Dijk, Cristiano Ronaldo, Kevin De Bruyne, iyo Harry Kane.

Salah waxa uu Reds kala qayb qaatay 35 kulan oo Premier League ah, waxaana uu u dhaliyay 23 gool halka uu caawiye ka ahaa 13 gool kale.

Waxaa xusid mudan in Salah uu ku guuleystay abaal-marinta gooldhaliyaha ugu sarreeya Premier League, waxaana abaal-marintan ku wehliyay xiddiga Tottenham ee Son Heung-min, sidoo kale abaal-marinta xiddigii ugu gool caawinta badnaa, iyo abaal-marinta xiddiga sanadka ee Liverpool.

Xiddiga reer Masar ayaa xilli ciyaareed cajiib ah la qaatay Liverpool, waxaana uu kooxda kula soo guuleystay tartamada FA Cup-ka iyo koobka Carabao Cup-ka, waxaana u sii dheer inuu gaaray finalka Champions League, xilli kooxdiisa Reds ay kaalinta labaad kaga dhameysatay kala sarreynta Premier League, waxayna 1 dhibic ka dambeeyeen kooxda ku guuleysatay horyaalka ee Manchester City.