Baladweyne (Radio Beerlula)-Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Muuse salaad wehliye ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha saldhig Booliska Degaanka ceel-Geel ee Duleedka magaalada Baladweyne.
Munaasabadda dhagax dhiga ayaa waxaa goob joog ahaa Gudoomiye ku-Xigeenka siyaasadda iyo Maaliyadda Gobalka Hiiraan Xassan Ibraahin Cabdulle,taliye ku-Xigeenka qeeybta Guud ee Booliska gobolka Hiiraan korneel muuse xayuuke iyo taliyaha saldhigga Booliska magaalada Baladweyne Ganshaalle Cabdullaahi Maxamuud.
Warkan waxaa inoo haya Cabdimajiid Aweeys Isaaq


