Baladweyne ( Radio Beerlula )-Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan oo si rasmi ah loogu wareejiyay ammaanka magaalada Baladweyne ayaa qaaday sanbaagyo ku xirnaa jidadka soo gala xerada lama galay kuwaasoo dhibaato badan ku hayay goobaha ganacsi ee ku yaalla xerada.
Jidadan oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadka ayaa hadda laga qaaday sanbaagyadii ku xirnaa taasoo ay si weyn u soo dhaweeyeen ganacsatada iyo bulshada magaalada Baladweyne.
Qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Baladweyne oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin furista jidadkan.
Warkan waxaa inoo haya Xaawo Aadan Xuseen