Sara u kac ku yimid qiimaha bugaagta dugsiyadda ee suuqyada Baladweyne

0
94

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Iyadoo lagu gudo jiro diyaar garoowgii ug dambayay ee bilaabashada sanad dugsiyeedka 2025-2026 ayaa waxaa sare u kac laga dareemaya buugaagta Muqararka ardayda dugsiyada sare ee Madbacadaha Magaalada Baladweyne.

Halkii xabo ee Buuga muqararka ayaa la iibin jiray 3 dollar hada waxaa uu marayaa 3.6, Nus darsankii ayaan la iibin jiray 20 dollar balse hada waxaa la iibinaya 23 dollar halka darsankii la iibin jiray 40 dollar hada uu maraayo 43 dollar sara u kacaan ku yimid qiimaha iibiyo buugaagta Muqararka ayaa waxaa sababay iyadoo ardayda ay bilaabeen u diyaar garoowga sanad dugsiyeedka islamarkaan ay yaraadeen buugaagtii laga soo saari Jiray Magaalada Muqdisho.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here