Baladweyne ( Radio Beerlula )-Waxaa Sara u kac laga dareemaa qiimaha la iibiyo qudaarta sida Qaraha,Seytuunka,Batiiqa iyo Cambaha kuwasi oo inta lagu gudajiro bisha barakeeysan ee Ramadaan laga sameeyo cabitaanada la shiido ee dalka.
Qaraha ayaa markii hore la iibin jiray 0.6 halka hada la iibiyo 1 doolar ilaaa 2 doolar cambaha ayaa la iibin jiray 0.5 halka hadal la iibiyo 1.5 doolar seytuunka ayaa la iibin jiray qiimo dhan 0.4 halka hada la iibiyo 1.2 .
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Xaawo Aadan Xuseen.


