Saraakiil ka tirsan ciidanka Sudan oo lagu eedeeyey in ay dad rayid ah laayeen.

0
294

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xeer ilaaliyaha guud ee Sudan ayaa dacwad ku soo oogay  saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada gurmadka degdegga ah oo la sheegay in ay ku lug lahaayeen xooggii lagu kala dareeriyey dadkii ka hor mudaharaadayey taliska guud ee ciidanka.

Gudi baaraya dhacdadaas ayaa sheegay in ugu yaraan sideed sarkaal ku eedaysan yihiin dambiyo  ka dhan ah bini’aadamka  islamarkana ay geysteen dil dil wadareed.

Ururka dhakhaatiirta Sudan oo u janjeedha dhanka mucaaradka ayaa sheegay in 130 ruux lagu dilay magaalada Khartum  kadib markii ciidamada ay xoog ku kala eryeen banaanbaxayasha.

Gudoomiyaha guddiga baaraya dilalka shacabka loo geystay y arintaas, Cabdiraxmaan Saciid, ayaa ka sheegay shir jaraa’id in sarkaal darajadiisu tahay janan iyo mid kale oo kornayl ahi ay hogaaminayeen hawl galkii dadka lagu kala eryay.

Sida uu dhigayo sharciga milatariga Sudan, waxa suurto gal ah in ciddii lagu eedeeyo dembiyo laga galay aadamenimadu ay mutaystaan ciqaabta dilka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here