Saraakiil Shiine ah oo sheegay in dadkooda lagu faquuqay Cudurka COVID-19.

0
150

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dalka Shiinaha ayaa joojiyey soo saaarista fiisooyinka waqtiga gaaban ee la siinayey dadka ka yimaada Koofur Kuuriya iyo Jabbaan , arrintan aayaa looga aargoosanayaa xannibaadhihii lagu soo rogay dadka Shiinaha ee safarka ah.

Saraakiisha Shiinaha ayaa sheegay in ay tahay arrin faquuq ah in goonni loo saaro dadka Shiinaha ah ee safraya.

Gobolka Hunaan ee dalka shiinaha oo ay ku nool yihiin 99 milyan oo qof ayaa lagu warramayaa in in ka badan 99% ay qabaan cuudurka Covid-19.

Saraakiil ka tirsan magaalooyin waaweyn iyo gobolo ayaa sheegay in heerka cudurka Covid uu aad u xad dhaafay.