Saxiixa Cusub Ee Arsenal Riccardo Calafiori Oo Si Qiiro Leh Uga Hadlay Ku Biiristiisa Gunners.

0
82

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kadib markii uu qalinka ku duugay heshiis shan sano ah, Calafiori waxaa la baray qaar ka mid ah saaxiibadiisa cusub.

22 jirka ayaa aad ugu farxay ku Biiristiisa Arsenal iyo nolosha kubbadda cagta Ingiriiska.

“Waxan dareemayaa cajiib.

“Waxay ahayd mid adag ilaa hadda, laakiin ugu dambeyntii halkan ayaan jooga mana sugi karo inaan bilaabo tababarka kooxda oo aan u ciyaaro taageerayaasha.

“Xaqiiqdii waxay ahayd riyadeyda tan iyo markii aan ahaa 12 ama 13 sano jir, sababtoo ah waxaan arki karaa heerka horyaalka halkan iyo ciyaartoyda ugu fiican adduunka, aniga ahaan, waxaan jeclaa inan ka ciyaaro halkan.

Waa riyo oo aniga kaliya maahan, laakiin qof walba ayay u tahay. ”

“Wax badan ayaan la hadlay tababaraha iyo Edu, wayna igu qanciyeen, laakiin mar horeba nafteyda ayaan ku qanciyay,”.

Waxaan u maleynayaa inuu yahay mashruuca ugu fiican aniga sanadaha soo socda, waxaana u maleynayaa inaan horumarin doono ciyaaryahan ahaan.

“Waxaan la kulmay Jorginho hal bil ka hor, laakiin waxaan arki karaa inuu yahay nin aad u wanaagsan.

Horta waan ku qancay laakiin wuu igu qasbay. Wuxuu yiri: ‘kaalay, kaalay, kaalay! Waxaad ku raaxaysan doontaa joogitaanka halkan, kooxdu waa cajiib iyo shaqaaluhu, wax walba waa wanaagsan yihiin.’

“Waxaan halkaan u imid inaan ciyaaro si aan wax walba u sameeyo si aan u ciyaaro oo aan wax u siiyo kooxda.

Waxaan rajeynayaa inaan taas sameyn karo dhowrka kulan ee ugu horreeya.

“Marka loo eego aragtidayda, waa bilow uun, bilawga wax ka weyn ma jiro.

Waan ku faraxsanahay inaan bilaabo inaan u ciyaaro Arsenal oo aan koobab ku guuleysto.” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Riccardo Calafiori.