Saynisyahannada oo ogaaday daawo ka hor tegi karta xanuunka Kaneecada.

0
79

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Saynis yahano u dhashay dalka Spain ayaa helay nooc bakteeriyo ah oo ka joojin karta kaneecada in ay dadka u sii gudbiso xanuunka duumada.

Bakteeriyadu ayaa la sheegay in ay dhimi doonto xanuunsidaha kaneecada awoodeda gudbitaaneed boqolkiiba in ka badan toddobaatan .

Cilmibaadhayaasha oo arrintan ku ogaaday si kedis ah ayaa waxay waxay sheegeen in bakteeriyadani ay noqon karto hub cusub oo lagula dagaallamo mid ka mid ah cudurrada ugu da’da weyn adduunka, kaas oo dila 600,000 oo qof sannad kasta.

Tijaabada qorshahan looga hortagayo Bakteeriyadda kaneecada ayaa hadda socda, waxana lagu wadaa in dhawaan si rasmi ah loo shaaciyo hanaankan cusub.