Saynisyahanno ogaaday noocyo geri jaadgooni ah.

0
90

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Qiimayn cusub oo taariikhi ah ayaa si rasmi ah u aqoonsatay afar nooc oo geri ah, taas oo meesha ka saartay kala saarista naasleyda dhulka ugu dheer adduunka oo loo haystay markii hore in ay tahay ah hal nooc.

Dib-u-eegistii kala saarista ay fulisay Ururka Caalamiga ah ee Ilaalinta Deegaanka ayaa la qiimeeyay xogta hidda-socodka taasoo muujisay fariga weyn ee DNA-da ee u dhexeeya dhowr nooc oo geri ah.

Khubaradu waxay sheegeen in natiijooyinkan – oo daba socda daraasado hore oo la mid ah – ay caawin doonaan dadaallada ilaalinta geriga ee gobollada Afrika ee ay ku nool yihiin.

Gerigu waa mid ka mid ah abuurenayaasha Eebbe ee dunida ugu jaadgoonisan aduunka aadna loo jecel yahay, had iyo jeerna loo maleeyo inuu yahay hal nooc.

Laakiin hadda saynisyahano ka tirsan Ururka Caalamiga ah ee Ilaalinta Deegaanka ayaa sheegaya in aan soo dhaweyn karno saddex nooc oo kale oo naasley ah oo adduunka ugu dheer.

Ma ahan markii ugu horeysay ee cilmi-baarayaashu ay soo jeediyaan in ay jiraan afar nooc oo ka mid ah kuwan caanka ah ee ku dul wareegaya meeraheena, laakiin qiimeyntii ugu dambeysay ayaa ku dhejisay shaambad rasmi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here