Sedex Koox Ingiriiska Ah oo u Gacan Galaya Hantiilayaal Carbeed

0
129

Baladweyne (Radio Beerlula)- Shirkadda maalgashiga ciyaaraha ee Qatar ayaa ka fiirsaneysa in ay dalab ka gudbiso iibsiga Manchester United.

Wargeyska Bloomberg ayaa laga soo xiganayaa in mulkiilayaasha PSG ay doonayaan in toos u wada iibsadaan Man United oo ka  mid ah sedex koox oo ay horyaalka Ingiriiska ay ka calaameysteen.

Mulkiiyahaasha reer Mareykan ee kooxdaas United ayaa dhawaan suuqa dhigay kooxda waxa ayna go`aan ku gaareen in xittaa ugu yaraan qeyb ka iibiyaan kooxdaas

Shirkadaas Qatar ayaa sidoo kale isha ku haysa  labada koox  kale ee Liverpool iyo Tottenham kuwaasi oo iyana la xusay in maalgashayaal cusub ay raadinayaan .

Warka waxa uu intaas ku darayaa in QSI ay doonayaan in si buuxda gacan ku haynta Liverpool ula wareegaan

Arintaan ayaa xaraarad u yeeleysa horyaalka Ingiriiska marka la eego dhanka suuqa  waayo hantiilayaasha carbeed dhib kuma noqoneyso in ciyaaryahankii ay doonaan in ay keenaan horyaalka