Seeynisyahano ogaaday sababaha keena cirrada iyo waxa lagu daweyn karo.

0
171

Baladweyne (Radio Beerlula)-Seeynisyahano ayaa sheegay in laga yaabo in ay heleen in walbahaarka ama walwalka uu timaha ka dhigo kuwa cad ama cirro ah.

Waxaa kale oo ay ogaadeen sida looga hortagi karo cirrada iyada oo aanan la isticmaalin madoobayso.
Tijaabooyin lagu sameeyay jiir (dooli) ayaa lagu ogaaday natiijooyinkan.

Cilmibaarayaasha oo ka kala yimid Maraykanka iyo Brazil ayaa sheegay in tan ay horseedday in la raadiyo daawo dadka ka caawin karta in aysan timahooda cirroobin, xitaa haddii ay weynaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here