Shacabka dalka Chili oo doortay madaxweyne cusub

0
158

Baladweyne (Radio Beerlula)-Boric oo ah 35-sano jire,ayaa lagu wadaa inuu noqdo madaxweynihii ugu da’da yaraa ee soo mara dalka Chile kadib markii uu helay codadka ugu badan ee doorashadii ka dhacay dalkaasi.

Gabriel Boric ayaa helay codad gaaraya boqolkiiba 56, marka la barbar dhigo 44 boqolkiiba oo uu helay musharraxa muxaafidka ah, Jose Antonio Kast.

Madaxweynaha xilka ka degaya Sebastian Pinera ayaa qabtay shir muuqaal ah oo uu la yeeshay Boric si uu u siiyo taageerada buuxda ee dowladdiisa inta lagu jiro kala guurka saddexda bilood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here