Shacabka Israa’iil oo ka bannaanbaxaya qorshaha Israa’iil ku dooneyso in ay ku qabsato Qasa

0
98

Baladweyne ( Radio Beerlula )- Israa’iil gudaheeda, shaqo joojin guud oo hal maalin ah ayaa la filayaa in la qabto maanta oo Axadd ah, si looga mudaaharaado qorshaha dowladda ee ah in la qabsado magaalada Qasa.

Qoysaska dadka la haysto iyo dad kale ayaa codsaday shaqo joojinta, iyaga oo sheegaya in fidinta dagaalka ay khatar weyn gelinayso nolosha Israa’iiliyiinta ay Xamaas hayso.
Arrintani waxay imaaneysaa toddobaad kadib markii golaha dagaalka ee Israa’iil uu u codeeyay in la qabsado magaalada Qasa, oo ah magaalada ugu weyn dhulkaas iyo in dadka halkaas ku nool la barakiciyo, tallaabadaas oo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uu cambaareeyay.
“Si loo diyaariyo in shacabka laga raro goobaha dagaalka looguna raro koonfurta Marinka Qasa ayaa dib loo bilaabi doonaa keenista teendhooyinka iyo qalab hoy u noqon kara shacabka Qasa,” ayay tiri hay’adda milateriga Israa’iil ee COGAT.
Afhayeen u hadlay maamulka magaalada Qasa ayaa sheegay in barakac ballaaran uu mar hore ka bilowday xaafadda Zaytuun, kadib lix maalmood oo duqeymo cirka ah, madaafiic iyo burburin joogto ah oo Israa’iil ka geysatay halkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here