Shacabka Suudaan oo wali diidan xukunka milatariga.

0
390

Baladweyne(Radio Beerlula)-Kumannaan qof oo dibadbaxayaal ah ayaa wacad ku maray in ay sii joogi doonaan waddooyinka caasimadda dalka Suudan ee Khartoum, waxa ayna ku gacan seyreen bandow uu soo rogay golaha cusub ee milatariga ee shalay xukunka dalkaasi la wareegay.

Madaxweyne Cumar Al-Bashiir oo muddo dheer soo xukumayay dalkaasi ayaa shalay oo kahmiis ahayd la afgambiyay , kadibna xabsiga la dhigay.

Balse dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa sheegaya in golahan cusub ee milatarigu uu qayb ka yahay nidaamkii hore ee Cumar Al-Bashiir.

Ismaandhaafkan  cusub ayaa laga  cabsi  qaba in rabshado iyo isku dhacyo dhex maraan dadka dibad-baxyada dhigaya iyo ciidanka milatariga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here