shaqaalaha dawladda Mareykanka oo loo qabtay 30 maalmod inay ku tirtiraan TikTok

0
91

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dawlada Maraykanka ayaa kor u qaaday walaaca ay ka qabto, halista amni ee ka dhalan karta isticmaalka barnaamijka TikTok, iyada oo ku amartay dhammaan shaqaaalaha dawladda ee heer federaal inay telefoonada dawladda ka tirtiraan TikTok. Tallaabo tan la mid ah waxaa qaaday, dawlado badan oo reer galbeedka ah, kuwaas oo ka cabsi qaba in barnaamijkan loo isticmaalo dhinaca basaasidda.

Aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa Isniintii sheegay inay shaqaalaha dawladdu ay haystaan 30 maalmood oo ay telefoonada dawladdu leedahay kaga tirtiraan TikTok.

Congresska Maraykanka, Aqalka Cad, Ciidamada Maraykanka iyo in ka badan kala badh gobollada Maraykanka ayaa hore u mamnuucay adeegsiga TikTok, iyaga oo ka walaacsan in shirkadda iska leh ee ByteDance, inay u ogolaanayso dawladda Shiinaha, inay heli karaan macluumaadka gaar ah ee dadka isticmaala TikTok, sida waxyaabaha ay booqdeen iyo meelaha ay tageen, ama in shabakaddan loo adeegsado faafinta wararka been abuurka ah.
Shiinaha ayaa ku macneeyey tallaabada uu qaaday Maraykanku inay muujinayso, sida aanay isugu kalsoonayn iyo weliba sida ay ugu takrifalayaan awoodda dawladda.