Shaqo la’aanta Maraykanka oo gaadhay halkii ugu hoosaysay muddo nus qarni ah

0
184

Baladweyne (Radio Beerlula)- Warbixin cusub oo laga soo saaray dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in bishii January ee dhowaan dhamaatay in la abuuray illaa 517,000 oo shaqo taasoo ah, arrin sawir fiican ka bixinaysa heerka koboca dhaqaalaha, xilli uu bangiga dhexe ee Maraykanku uu isna sare u qaaday lacagaha dulsaarka ah.

Heerka shaqo la’aanta Maraykanka ayaa haatan hoos ugu dhacday illaa 3.4%, waana heerkii ugu hooseeyey ee ay gaadho muddo ku siman nus qarni.

Warbixintan oo ay soo saartay dawladda Maraykanka ayaa intaas ku dartay in arrintani ay sawir fiican ka bixinayso, koboca suuqa shaqada ee Maraykanka, iyo heerka shaqo la’aanta oo hoos u socda, halka dad koobani ay haatan shaqooyinkooda ka fadhiisanayaan, taas bedelkeedana ay jiraan shaqooyin badan oo banaan oo la heli karayo.

Shaqooyinka la abuuray bisha January ee sannadkan ayaa ka badan illaa 269,000 oo shaqo, marka la barbardhigo shaqooyinkii la abuuray bishii December ee sannadkii hore