Shaxda Arsenal Maanta Ku Furanayso Horyaalka Premier League Iyo Xogta Kulamadii Hore U Dhaxmaray Nottingham Forest

0
154

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa horyaalka Premier League waqti hore oo maanta furan doonta kulankeeda koowaad, waxaanay garoonkeeda Emirates Stadium kusoo dhoweyn doontaa Nottingham Forest, si ay uga daba-tagto Manchester City oo xalay guul ka gaadhay Burnley, isla markaana hoggaanka u qabatay horyaalka  ay saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey xidhiidhka ugu guuleysatay.

Xilliga qadada ayaa ay Arsenal cammiran doontaa garoonkeeda, iyada oo ku jirta waqti farxadeed oo wali jamaahiirteedu xasuusan yihiin guushii ay usbuucii hore ka gaadheen Manchester City oo ay ka qaadeen koobka Community Shield.

Arsenal iyo Mikel Arteta ayaa waxay sidoo kale maanta baran doonaan sharciga cusub ee lagu soo kordhiyey ciyaaraha oo si adag ula tacaalaya dhaqanka ciyaartoyda iyo luminta waqtiga ee nta garoonka lagu jiro, kaas oo ay hore usoo arkeen ciyaartii Man City ee Community Shield, taas oo uu sharciga cusub ka caawiyey in ay helaan waqti badan oo lagu daro ciyaarta oo sabab u noqda in ay daqiiqaddii 111aad keenaan goolka barbarraha.

Xogta kulamadii hore ee Arsenal vs Nottingham Forest

103 ciyaarood ayay labada kooxood iskaga hor yimaaddeen dhamaan tartamada intii ay dhisnaayeen, waxaana gacanta sare lahayd Arsenal oo kala-badh guuleysatay, halka inta kalena ay barbarro iyo guul-darro ahaayeen.

Arsenal ayaa waxay Nottingham Forest dhibcaha ka tirsatay 52 jeer, halka 22 kalena ay barbarreeyeen, iyadoo kooxda Nottingham Forest ay kaliya guul aragtay 29 ka mid ah kulamadii ay la ciyaartay Arsenal.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Arsenal vs Nottingham Forest

Tartanka: Horyaalka Premier League, usbuuca 1aad

Waqtiga: 2:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Emirates Stadium.

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Dhakhaatiirta Arsenal waxay ku mashquulsan yihiin xaaladda dhaawacyada Gabriel Jesus oo qalliin lagaga sameeyey jilbka iyo Mohamed Elneney oo tan yo bishii January ka maqnaa garoomada, isla markaana aan illaa hadda kusoo laabnin tababarka kooxdiisa.

Oleksandr Zinchenko ayaa sidoo kale dhaawac ah oo seegay kulankii Man City ee Community Sheild, waxaana liiska maqaneyaasha ku wehelinaya Reiss Nelson, Albert Sambi Lokonga, Jorginh iyo Foarin Balogun.

Si kastaba, Jurrien Timber aya uu Mikel Arteta uso darsaday xisaabtiisa oo ka ciyaaray difaca bidix kulankii Community Shield ee ay Man City rikoodheyaasha ku garaaceen, taas oo ka dhigan in Eddie Nketiah uu hoggaamin doono weerarka Arsenal.

Dhinaca kooxda martida ah, Brennan Johnson oo ah ciyaartoy aad loo qiimeeyo ayaa kusoo laabtay garoomada, balse tababare Cooper ayaa hoos u dhigay fursadda uu Awoniyi taam ugu noqon karayo ciyaarta Sabtida maanta ee Arsenal, maadaama aanu taam buuxa ka noqonin jug kasoo gaadhay jilibka.

Felipe ayaa sidoo kale maqan, waxaanay liiska ciyaartoyda dhaawaca ah ku wada jiraan Wayne Hennesey iyo Omar Richards.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxoodArsenal possible starting lineup:
Ramsdale; White, Saliba, Gabriel, Timber; Odegaard, Partey, Rice; Saka, Trossard, Martinelli

Nottingham Forest possible starting lineup:
Turner; Worrall, Boly, McKenna; Aurier, Yates, Danilo, Mangala, Aina; Gibbs-White, Johnson