Shaxda Ay Barcelona Kaga Hor Iman Karto Cadiz

0
14

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Barcelona ayaa maanta la ciyaari doonta kooxda Cadiz Kulan ka tirsan horyaalka La Liga todobaadkii 5-aad ee horyaalka.

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya guushoodii 4-aad kadib markii ay badisay 3 ka mid ah 4-tii kulan ee ay ciyaartay.

Xavi ayaa haysta koox dhamaystiran oo uu ka soo xulan karo shaxdiisa kulanka xilli uu doonayo in uu sii wado guulaha La Liga.

Kooxda Barcelona ayaa kulamadii ugu dambeeyay ku dhibaatootay marka ay la ciyaarayso Cadiz iyaga oo xitaa ku fashilmay in ay wax gool ah ka dhaliyaan kooxda.

Cadiz ayaa Barcelona dhibco ka qaadatay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka La Liga iyaga oo 2 kulan ka badiyay 2 kalena bar-baro la galay.

Shaxda Ay Barceloma Kaga Hor Tagi Karto Cadiz.

Barcelona: Ter Stegen; Kounde, Araujo, Eric, Balde; De Jong, Busquets, Gavi; Raphinha, Lewandowski, Ferran (4-3-3)