Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha cusub ee chelsea Graham Potter ayaa chelsea hogaamin doona kulankiisii ugu horeeyay ee chelsea tan ilaa markii uu tababaraha u noqday kooxda.
Chelsea ayaa caawa marti galin doonta kooxda RB Salzburg kulan ka tirsan wareega Group-yada tartanka champions League.
Blues ayaa doonaysa in ay badiso kulankeedii ugu horeeyay ee wareega Group-yada kadib markii ay guuldaro ku bilaabatay xilli ciyaareedka tartanka champions League.
Potter ayaa haysta shax buuxda oo uu ka soo xulan karo kulanka waxana uu doonayaa in uu Blues la gaadho guushiisii ugu horaysay kadib markii loo magacaabay tababarhaa kooxda.
Hadaba halkan Hoose Kaga Bogo shaxda uu Potter ku soo gali karo kulanka.