Shaxda rasmiga ah kulanka Kooxaha Liverpool iyo Man City ee koobka Community Shield oo la shaaciyey

0
215

Baladweyne (Radio Beerlula)- Waxaa caawa oo Sabti ah la daah furayaa xilli ciyaareedka cusub 2022/25 ee kubadda cagta England, iyada oo kooxaha Liverpool iyo Manchester City ay ku daggaalami doonaan koobka Community Shield, iyada oo kulankan uu ka qabsoomi doono garoonka King Power Stadium ee kooxda Leicester City.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa gacanta ku dhigtay labada koob ee maxaliga ah xilli ciyaareedkii hore, laakiin Manchester City ayaa ku dhameysatay ku guuleysiga koobka horyaalka Premier League.

SAFAFKA RASMIGA EE LABADA KOOXOOD HALKAAN HOOSE KA EEG:-

Liverpool XI: Adrian; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson; Fabinho, Thiago, Henderson; Salah, Firmino, Diaz.

Kaydka: Davies, Gomez, Konate, Milner, Keita, Jones, Elliott, Nunez, Carvalho.

Man City XI: Ederson, Walker, Dias Ake, Cancelo, Rodrigo, Bernardo, De Bruyne, Mahrez, Haaland, Grealish.

Kaydka: Ortega Moreno, Phillips, Stones, Gundogan, Alvarez, Foden, Mbete, Palmer, Wilson-Esbrand.