Baladweyne ( Radio Beerlula )-Waxaa lasoo gebogabeeyay todobaadkii 23-aad ee horyaalka Premier League, iyadoo kulamo xiiso leh lagu ciyaaray garoomada England.
Kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa sii wada tartankooda adag kaddib markii ay badiyeen kulamadoodii ugu dambeeyay. Sidoo kale, kooxaha Manchester City iyo Manchester United ayaa iyaguna guulo muhiim ah gaaray.
Chelsea ayaa dhanka kale la kulantay guuldarro ka dhan ah Manchester City, inkastoo ay gool ku hormartay.
Kadib kulamada todobaadka, waxaa la shaaciyay shaxda ugu fiican todobaadka Premier League, taasoo ay ugu badan yihiin ciyaartoyda kooxda Liverpool oo 3 xiddig ku leh.
Kooxaha Bournemouth iyo Arsenal ayaa iyaguna shaxda ku leh min 2 xiddig, halka kooxaha Manchester City, Everton, iyo Newcastle ay min hal ciyaaryahan ku leeyihiin shaxda todobaadka.