Baladweyne (Radio Beerlula)-Waxa la soo afjaray todobaadkii 11-aad ee horyaalka premier League iyada oo sabtidii iyo Axadii la ciyaaray kulamo xiiso leh.
Waxa ay ahayd todobaad la yaab leh sabab la xidhiidh in dhmaaan la wada qabtay kooxaha waaweyn marka laga reebo hal koox.
Man City ayaa ah kooxda kaliya ee badisay kulankoodii premier League todobaadkan iyaga oo garaacay kooxda Brighton.
Laakiin kooxaha Man United, chelsea iyo Arsenal ayaa dhamaantood bar-baro galay kuna fashilmay in ay helaan 3-da dhibcood ee kulanka.
Dhinaca kale kooxaha Liverpool iyo Tottenham ayaa guuldarooyin la kulmay kulamadii ay ciyaareen horyaalka premier League.
Kadib dhamaadka todobaadka waxa la soo saaray shaxda ugu fiican todobaadka premier League.
Kooxaha Aston Villa, Nottingham Forest iyo Man City ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh min 2 xiddig.
Dhinaca kale kooxaha Newcastle, Everton, Leicester, Arsenal iyo Man United ayaa shaxda ku leh min hal xiddig.