Baledweyne ( Radio Beerlula )-Waxaa lasoo gabagabeeyay kulamadii 15-aad ee horyaalka Premier League, kuwaas oo ahaa kuwo xiiso leh oo natiijooyin kala duwan lagu arkay.
Kooxda Manchester City ayaa barbaro niyad jab leh kala kulantay Crystal Palace, iyagoo lumiyay fursad ay ku heli kareen dhibco muhiim ah. Dhinaca kale, Manchester United ayaa guuldarro lama filaan ah ka soo gaartay Nottingham Forest.
Chelsea ayaa sii wada qaab ciyaareedkeeda wacan, waxayna guul ka gaadhay kooxda Tottenham oo ay garaaceen kulankii todobaadkan.
Kadib kulamadii todobaadka, waxaa la soo saaray shaxda ugu fiican ee todobaadka Premier League, iyadoo kooxaha Aston Villa, Chelsea, iyo Crystal Palace ay ku leeyihiin min laba ciyaartoy.
Kooxaha Brighton, Brentford, Leicester City, iyo Fulham ayaa dhinacooda shaxda ku leh min hal xiddig, iyagoo muujiyay waxqabad wanaagsan intii lagu guda jiray kulamadii toddobaadkan.
Shaxdan ayaa u taagan ciyaartoydii ugu waxqabadka fiicneyd ee horyaalka toddobaadkan, waxaana laga dheehan karaa kooxo badan oo bandhig wanaagsan sameeyay.