Baladweyne (Radio Beerlula)-Waxa la soo afjaray todobaadkii 25-aad ee horyaalka premier League iyada oo la ciyaaray kulamo xiiso iyo xamaasad leh.
Kooxaha isku baacsanaya horyaalka ee Arsenal iyo Man City ayaa isugu jawaabay guulo ay gaadheen kulamadooda.
Arsenal ayaa mar kale guul soo laabasho leh ka gaadhay Premier League iyaga oo garaacay kooxda Bournemouth kulan ka dhacay Emirates.
Dhinaca kale Liverpool ayaa xasuuq arxan daro ah kula kacday Man United kulan ka dhacay Emirates iyaga oo dhabarka u saaray 7 gool oo jawaab la’aan ah.
Dhinaca Kale Chelsea ayaa ugu dambayn ka baxday guuldarooyinkii iyaga oo garaacay kooxda Leeds United.
Kadib kulamadii la ciyaaray todobaadkan waxa la soo saaray shaxda ugu fiican todobaadka horyaalka premier League.
kooxaha Man City iyo Liverpool aya shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh min 3 xiddig.
Kooxaha chelsea, Brighton, Nottingham forest iyo Arsenal ayaa dhinacooda shaxda ku leh min hal xiddig