Shiinaha iyo Hindiya oo xoojinaya xiriirkooda ka dib sanado badan oo khilaaf ka dhex oognaa

0
101

Baledweyne ( Radio Beerlula )- Shiinaha Xi Jinping iyo Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa yeeshay kulan duceed gaara kaas oo ka dhacay magaalada dekedda leh ee Tianjin halkaas oo uu ka dhacayo shirka ururka Iskaashiga Shanghai. Waa markii ugu horreysay ee Modi uu Shiinaha tago muddo toddobo sano ah.

Xi ayaa u sheegay Modi in Shiinaha iyo Hindiya ay tahay inay noqdaan wada-hawlgalayaal, ee aysan noqon tartameyaal, halka Modi uu sheegay in hadda uu jiro “jawwi nabadeed iyo xasillooni” oo u dhexeeya labada dal.

Madaxweyne Putin ayaa sidoo kale ku sugan shirkan, oo ay ka soo qayb galayaan in ka badan 20 hogaamiye oo caalamka ah, balse sanadkan waxaa hareeray dagaaladii ganacsiga ee Maraykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here