Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dalalka Mareykanka iyo Shiinaha ayaa kulan heer sare ah ku yeeshay magaalada Geneva si ay u yareeyaan xiisadda ganacsi ee ka dhalatay cashuuraha badan ee ay isku soo rogeen.
Trump ayaa soo jeediyay in laga yaabo in Mareykanku yareeyo cashuuraha uu saaray alaabaha ka imanaya Shiinaha, inkasta oo aan horumar weyn laga filayn.
Labada dal ayaa is dhaafsaday cashuuro culus 145% Mareykanka ah iyo 125% shiinaha ah taasoo si weyn u carqaladaysay ganacsigii labada dal kaas oo sannadkii hore gaadhay $660 bilyan.
Kulanka ayaa lagu rajo weyn yahay in uu keeno fududeyn iyo dib u furid ganacsi oo dhexdooda ah.


