Baledweyne ( Radio Beerlula )-Sirdoonka Ruushka iyo Shiinaha ayaa bilaabay inay si weyn u beegsadaan shaqaalihii dhawaan laga saaray hay’adaha amniga Mareykanka, iyagoo doonaya inay helaan xog muhiim ah.
Dalalkan ayaa diiradda saaraya shaqaalaha haystay shahaadooyinka sirdoonka iyo kuwa la filayo in shaqada laga saaro, iyagoo adeegsanaya bogag shaqo raadis ah iyo baraha bulshada sida LinkedIn, TikTok, iyo Reddit.
Warbixin laga helay sirdoonka Mareykanka ayaa muujisay in dalalka Shiinaha iyo Ruushku ay si gaar ah u bartilmaameedsanayaan shaqaalaha dareemaya niyad-jabka iyo shaqo la’aanta, maadaama ay aad ugu nugul yihiin inay bixiyaan xog sir ah.
Khubarada amniga Mareykanka ayaa ka digay in arrintani ay halis gelin karto amniga qaranka, maadaama la abuuri karo jawi fududeynaya in siraha dawladda ay gacanta u galaan dalal cadow ah.
Maamulka Trump ayaa horey u qorsheeyay inuu shaqo ka saaro boqolaal ka mid ah shaqaalaha federaalka, taasoo sare u qaadday khatarta in ay u nuglaadaan doonista Shiinaha iyo ruushka ay uga faa’iidaysan karomaan.
Inkasta oo Ruushka iyo Shiinahu beeniyeen inay si gaar ah u bartilmaameedsanayaan shaqaalaha Mareykanka.


