Shiinaha oo canshuur aargudasho ah ku soo rogay Mareykanka.

0
168

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Shiinaha ayaa Talaadada maanta ah shaaciyay in uu canshuur 15 boqolkiiba ku soo rogi doono dhuxusha iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah ee uu kala soo dego dalka Maraykanka, kaddib markii Washington ay canshuur 10 boqolkiiba oo dheeraad ah saartay badeecooyin Shiinaha laga soo dhoofiyo.

Wasaaradda Maaliyadda ee Beijing ayaa sidoo kale shaaca ka qaadday in 10 boqolkiiba canshuur ay dul dhigi doonto shidaalka cayriin, mishiinnada beeraha, baabuurta xamuulka fudud (pickup trucks), iyo gawaarida waaweyn sida kuwa isboortiga, ee uu dalka Shiinaha ka soo degsado Maraykanka.

Canshuuraha cusub ayaa jawaab u ah “tallaabada canshuur kordhinta ee dhinac kaliya ah” ee uu Maraykanku qaaday dhammaadkii toddobaadkii hore, ayey tiri Beijing.

Trump ayaa sheegay in tallaabooyinkani ay yihiin kuwo looga dan leeyahay in lagu ciqaabo dalalka ku guul darraystay inay joojiyaan qulqulka muhaajiriinta sharci-darrada ah iyo daroogada, oo ay ka mid tahay fentanyl, ee soo gelaya gudaha Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here