Shiinaha oo canshuur culus ku soo rogay Mareykanka.

0
174

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dawladda Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo Khamiista, ay canshuur culus oo dhan 84% ku soo rogeyso dhammaan alaabaha laga keeno Maraykanka. Tani waxay beddelaysaa canshuurtii hore ee ahayd 34%.

Jawaabta Shiinaha ayaan daahin kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu isna sare u qaaday canshuurihii uu horay ugu soo rogay badeecooyinka Shiinaha oo dhan 104%.

Labada waddan ayaa markale isku mari la’ arrimaha ganacsiga, taas oo saameyn ku yeelanaysa dhaqaalaha caalamka.

Wasaaradda Ganacsiga ee Shiinaha waxay sheegtay in Mareykanku jebiyay heshiisyadii hore, isla markaana uu si cadaan ah uga baxay ballan-qaadyadii ganacsi. Waxay sidoo kale tilmaantay in xayiraadaha uu Trump saaray shirkadaha Shiinaha, sida TikTok, ay yihiin cadaadis sharci-darro ah.

Shiinuhu wuxuu si cad u sheegay inuusan diyaar u ahayn wada-hadal cusub, isagoo sheegay in haddii Mareykanku rabo wadahadal, uu muujiyo sinnaan iyo ixtiraam.
Xiisadda sii kordhaysa ayaa laga cabsi qabaa inay sababi karto sicir-barar, hoos u dhac dhaqaale, iyo khalkhal ku yimaada suuqyada saamiyada.

Shiinaha ayaa sannadkii u dhoofiya Maraykanka $500 bilyan oo badeecooyin ah halka Maraykankuna u dhoofiyo Shiinaha $143 bilyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here