Shiinaha oo dadkiisa uga digay taabashada dadka ajaaniibta ah cudur halis ah dartii

0
195

Baladweyne (Radio Beerlula)- Sarkaal sare oo qaabilsan arrimaha caafimaadka ee dalka Shiinaha ayaa shacabka uga digay taabashada dadka ajaaniibta ah maalin uun kadib markii Shiinaha uu diiwaangeliyay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka furuq-daanyeerka.

Qoraal uu soo dhigay barta Weibo, madaxa ka hortagga cudurrada faafa ee ka tirsan xarunta ka hortagga cudurrada ee Shiinaha, Wu Zunyou ayaa shacabka ugu baaqay in aysan taaban dadka ajaaniibta ah si looga fogaado fiditaanka cudurkan.

Arrinta ayaa muran badan dhalisay dadka qaar waxay ku tilmaameen hadal muujinayo cunsurinimo ah.

Wu Zunyou wuxuu shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan la kulanka dadka dhawaan kasoo safray dalalka dibadda iyo kuwa ajaaniibta ah si uusan ugu dhici cudurka furuq-daanyeerka.