Baladweyne ( Radio Beerlula )-Warbaahinta Fox News iyo The Telegraph, ayaa ku waramaya inay ogadeen inuu Shiinaha diyaaraddo xamuul ah u diiray Iiraan, tan iyo 14 bishan June.
Tallaabadan ayaa lagu sheegay in Shiinaha uu gacan ku siinayo Iiraan dagaalka ay kula jirto Israa’iil iyo reer galbeedka.
Wargeyska The Telegraph, wuxuu sheegay inta badan diyaaradahan inay adeegsadeen hawada bartamaha Aasiya, iyagoo dansaday raadarada markii ay ku dhawaayeen hawada Iiraan.
Inkastoo loo diiwaangeliyay in ay ku socdaan Luxembourg, hadana ma jirin wax diyaaraddo xamuul ah oo galay hawada Yurub, sida warbixinta labadan warbaahin lagu sheegay.


