Shiinaha oo sheegay in uu la shaqayn doono xukuumadda Trump

0
41

Baladweyne ( Radio Beerlula)- Hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ballan qaaday inuu la shaqeyn doono madaxweynaha cusub ee Donald Trump, kadib kulankii ugu dambeeya ee uu la yeelanayo hoggaamiyaha hadda ee Mareykanka Joe Biden.

Labaduba waxay ku kulmeen Sabtidii shir-madaxeedka iskaashiga dhaqaalaha ee Asia-Pacific (Apec) ee sannadlaha ah ee Peru ka dhaca, halkaas oo ay ku qireen “kor u kaca iyo hoos u dhaca” xiriirka labada waddan ee afartii sano ee Biden xafiiska joogay.

Laakiin labaduba waxay muujiyeen horumarka laga gaaray hoos u dhigista xiisadaha arrimaha qaar sida ganacsiga iyo xaalka Taiwan.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha uu noqon karo mid aan hagaagsanayn marka uu Trump ku soo laabto xafiiska laba bilood gudahood, taas oo ay sabab u tahay arrimo ay ka mid yihiin ballan-qaad uu ku kordhinayo canshuuraha badeecadaha Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here