Shiinaha oo soo saaray cagafta beeraha oo ku shaqeynaysa koronto oo kaligeed is wada.

0
121

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dalka Shiinaha ayaa soo saaray cagafta beeraha oo ku shaqeynaysa koronto oo kaligeed is wada taasoo si weyn u soo jiidatay beeraledyda dunida iyo dadka isticmala baraha bulshada.

Cagaftan ayaa sidoo kale muddada ay ku jirto qodista beerta sameyneysa baaritaan ku saabsan xaaladda dhulka iyo miraha ku habboon in lagu beero.

Sidoo kale cagaftan ayaa soo saareysa warbixin ku saabsan xaaladda dhulka si la mid ah shaybaarka ciidda.

Cagaftan isku ah sheybarka dhulka, isna wada , kuna shaqeysa korontada, islamarkana baareysa dhul si loo ogaado miraha ku haboon ayaa door muhiim ah ka qaadan doonta kobicinta wax soo saarka marka suuqyada caalamka soo gasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here