Baladweyne (Radio Beerlula)- Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhimatay, kadib markii bas rakaab ah uu jiiray gaari xamuul ah, subaxnimadii Jimcaha wadada weyn ee Uganda ee isku xirta caasimadda Kampala, iyo magaalada waqooyiga ku taalla ee Gulu.
Booliiska ayaa sheegay in 12 qof ay isla goobta ku dhinteen, halka afar kalena ay ku dhinteen markii dambe isbitaal.
Dhowr qof oo kale oo safar ahaa oo baska saarnaa, ayaa ku dhaawacmay.
Todobaadyadii u dambeeyay, ayaa waxaa dalka Uganda ka jiray walaac aad u weyn, oo ah dhibaatooyinka dhimashada ee waddooyinka gaar ahaan xilliyada ciidaha.
Warbixin uu soo saaray booliiska taraafikada horraantii toddobaadkan, ayaa lagu sheegay in 104 shil baabuur la diiwaan geliyay, intii u dhaxaysay 30kii Disembar, illaa iyo iyo 1-dii Janaayo ee sanadkan 2023-