Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada muqdisho ka daah furay shir heer caalami ah oo lagu midaynaayo barnaamijka wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka cimilada ee Soomaaliyada Cagaaran iyo hindisaha weyn ee darbiga cagaaran Great Green Wall initiative oo ay ku mideysan yihiin 11 waddan,ayna Soomaaliya ku noqonayso dalka 12-aad.
Munaasabada daahfurka ayaa waxaa goob jog ka ahaa mauuliyiin ka tirsan dowlada soomaaliya safiiro iyo marti Sharaf kale oo lagu casuumay.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Aadan Cabdi Axmad