Shir ku saabsan isku dabaridka wasaaradaha shaqada oo lagu qabtay Kismaayo.

0
75

Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo ka furay Shirka 1aad ee isku-dubbaridka Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Shirkan oo ay kasoo qayb galeen Wasiirada Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee heer federaal iyo heer State ayaa looga hadlayay wadashaqaynta Wasaaradaha, Dardargalinta shaqo abuurka, Arrimaha Bulshada iyo shaqooyiinka ay Wasaaraduhu u idman yihiin.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim