Baledweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo xiray shir lagu soo bandhigaayay nidaamyada loo marayo maalgalinta mashaariicda iyo maaraynta musiibooyinka dalka, kaasoo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Maaliyadda isla-markaana uu fududeeyay Bankiga Aduukna.
Intii uu socday shirka waxaa diiradda lagu saaray nidaam u oggolaanaya dowladda Soomaaliya in ay si dhaqsi ah uga jawaabto xaaladaha deg-degga ah iyadoo dhaqaalaha lasoo marsiinayo nidaamka maaliyadeed ee qaranka.
Warkan waxaa inoo haya Xaawo Aadan Xuseen.