Baladwayne ( Radio Beerlula )-Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar oo ku sugan magaalada Baladweyne ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay sidii loo joojin lahaa colaaddaha ka soo cusboonaday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.
Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Weheliye, guddoomiye ku xigeenka maaliyadda iyo siyaasadda gobolka Xassan Ibraahim Cabdulle , xubno ka tirsan maamulka heer gobol iyo degmo.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Xaawo Aadan Xuseen.