Shir Looga hadlay dardar-gelinta qorsha deyn cafinta dalka oo lagu qabtay Muqdisho.

0
295

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee looga hadlo dar-dargelinta qorshaha barnaamijka deyn cafinta dalka.

Shirka oo lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda ayaa waxaa ka qayb galay wasiiru-dowladaha wasaaradda maaliyada, agaasimaha guud iyo agaasime waaxeedyada wasaaradda iyo guddoomiyaha guddiga maaliyadda baarlamaanka, xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji.

Kulanka intii uu socday ayaa Ra’iisul Wasaaraha xog laga siiyay heerarka kala duwan ee la soo maray, meesha hadda uu marayo qorsha cafinta deymaha, waxaana aad loo falanqeeyay guulaha la gaaray, sida ugu habboon ee dowladda federaalku uga soo bixi karto shuruuda ku xiran wareega afaraad ee qorshaha daynta  looga cafinayo dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasaaradda maaliyadda, hey’adaha qaybta ka ah ka shaqeynta qorshaha deyn cafinta iyo guddigii loo xil saaray dhammeynta qorshaha dalka daynta looga cafinayo in si wadajir ah ay uga shaqeeyaan buuxinta shuruudaha, si guul looga gaaro himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamud Xayir Ibraahim ayaa ka waramaya ahmiyadda shirkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here