Shir looga hadlayay horumarinta biyaha oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

0
121

Baladweyne (Radio Beerlula)-Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa lagu qabtay shir looga hadlayay hannaanka horumarinta Biyaha Soomaaliya, si looga hortago biyo yaraanta iyo in laga faa’iideysto roobabka, loona sameeyo dadka reer miyigia biyo xireenno keyd u noqda.

Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ayaa waxaa ka qeyb galay Wasaaradda Beeraha Dhirta iyo Waraabka, Wasaaradaha Heer Dowlad Gobaleed, Hay’adaha Deeq-bixiyeyaasha, Urur Goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamed Cabdi Saneey