Baladweyne (Radio Beerlula)-Gudoomiyaha Hay’adda qaxootika iyo Barakacayaasha Qaranka Axmed Xuseen Cilmi ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay shir looga hadlayay sidii loo garab istaagi lahaa Barakacayaasha,Qaxootika iyo dadka dalka dib ugu soo laabtay.
Shirkaan oo socon doona muda laba maalin ah ayaa waxaa ka qeeyb galay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Xubno ka socday Hay’addaha dowladda dhaxe ka tageero arimaha gargaarka Bini’aadanimo iyo madax ka socotay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ku yaalo dalka.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabdinajiib Aweys Isaaq


