Shir looga hadlayay xoojinta wada shaqaynta Jubbaland iyo Hay’adaha Qaramada Midoobey oo lagu qabtay Kismaayo

0
220

Baladweyne (Radio Beerlula)-Shirkan oo sadexdii biloodba mar la qabto isla markaana u dhexeeya Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland iyo Hay’adaha UN-ka ah ee la shaqeeya ayaa manta lagu qabtay Xarunta UN-ka ee magaalada Kismaayo iyadoo looga hadlay xoojinta wadashaqaynta Dowladda iyo Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo dardargalinta howlaha gargaarka.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa shirka daah-furay waxaana goob joog ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo xubno kale oo kasocday Wasaaradda Qorsheynta.

Warbixintan waxaa inoo haya Aadan Cabdi Axmed