Shir looga hadlayo barnaamijka xalka waara oo laga furay Kismaayo

0
127

Baladwayne (Radio Beerlula )-Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose ayaa maanta waxaa ka furmay shir ay soo agaasintay Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubbaland.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa barnaamijka Xalka Waara iyo sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka soo noqnoqda ee soo wajaha dadka barakacayaasha iyo qoxootiga ah, waxaana ka qeybgalay wasiiro ,Xildhibaano iyo xubno kamid maamulka degmada Kismaayo.

Warbixintaan waxa soojeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim.