Shir looga hadlayo hindise sharciyeedka taclinta sare oo lagu qabtay Muqdisho.

0
83

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiiru dowlaha wasaaradda Waxbarashada , hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Nuuro Mustaf Guudow ayaa Magaalada Muqdisho ka daah furtay Shir looga hadlayo Hindise sharciyeedka Tacliinta sare ee dalka.

Shirkan oo socon doonaa muddo laba maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socda wasaaradda waxbarashada Soomaaliya iyo xubno ka socda jaamacaddaha dalka kuwaasoo taladooda ku biriin doona hindise sharciyeedka tacliinta sare.

Warkan waxaa inoo haya  Maxamed Cabdi Saneey