Shir looga hadlayo horumarinta adeegyada caafimaadka oo lagu qabtay Muqdisho.

0
142

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cali Xaaji Aadan ayaa magaalada Muqdisho ka daah furay shir looga hadlayo sidii loo horumarin lahaa adeegyada caafimaadka iyadoo shirkan saddexdii biloodba mar la qabto.

Shirkan oo socon doonaa muddo laba maalmood ah ayaa lagu gorfeyn doonaa xoojinta Hanaanka Maamulka adeegayda Caafimaadka, Horumarinta Cuududa Shaqaalaha Caafimaadka qeybahooda kala duwan, Horumarinta nidaamka , Maamulida iyo maaraynta xogta caafimaadka dalka Kor-uqaadida nidaamka adeeg bixinta.

Xubno kala socda dowlad goboleedyada, bahda caafimaadka, hay’addaha ka shaqeeya arrimaha caafimaadka iyo dhaqaatiir ayaa ka qeyb galaya shirkan.

Warbixintan waxa noo haya Maxamed Cabdi Saneey.