Shir looga hadlayo qorshaha ka jawaabista arrimaha bini’aadanimada oo lagu qabtay Muqdisho.

0
63

Baladweyne (Radio Beerlula)-Guddoomiyaha Haay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maagalada Muqdisho ka furay shir looga hadlayo Qorshaha ka jawaabista baahiyaha bini’adamnimo ee sanadkaan 2024.

Shirkaan waxaa ka soo qayb-galaya ku-xigeenka Ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna xiriiriyaha gargaarka bini’aadamnimo ee Soomaaliya George Conway sidoo kale waa goobjoog ka ah wasaaraddaha gargaarka dowlad goboleedyada, Hay’addaha ka shaqeeya samafalka, Deeq-bixiyayaasha iyo madax ka socotay hay’adda QM ee ka shaqeeya samafalka, iyadoo Hay’addaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn ee qabta arrimaha samafalka ay dalbadeen lacag dhan 1.6 bilyan si loo caawiyo dad gaaraya 5.2 Milyan oo Soomaali ah sanadka 2024.

Warkan waxaa inoo haya Xaawo Aadan Xuseen