shir looga hadlayo sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed oo ka furmay Garoowe

0
324

Baladweyne(Radio Beerlula)- Shirkaan oo looga hadlayo siyaasada dhalinyarada qaranka soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magalada garoowe waxaana goob joog ka ahaa kulanka wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada soomaaliya Sadiiq Warfaa wasiirada shaqada maamul goboleedyada hirshabeelle Puntland, Galmudug, jubaland ,iyo koonfur galbeed.

Kulanka oo sadax maalin socon doono ayaa looga hadlayaa sidii shaqo abuur loogu sameynalahaa dhalinyarada soomaaliyeed iyadoo la eegayo xirfadaha iyo fursadaha banaan ee aya ku shaqeyn karaan dhalinta soomaaliyeed.

Inta uu shirka socodo ayaa waxaa loooga hadlayaa sidii is badal loogu sameyn lahaa qaabka shaqaaleysiinta shaqaalaha soomaaliyeed iyadoo la raacayo habka cadaalada ah lana xayisiinayo shaqooyinka banaan si looga faa,ideysto.

Wasiirka shaqada iyo ciyaaraha maamulka Puntland jaamac faarax muuse ayaa ka war bixiyay shirkan.

Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada soomaaliya sadiiq warfaa ayaa sheegay in shirkan ay kasoo baxi doonto siyaasada lagu hagayo mustaqbalka dhalinta soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here