Shir weynaha caafimaadka Muqdisho oo la daahfuray

0
179

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daahfuray shir weynaha Caafimaadka Caasimadda oo sanadkii laba mar la qabto kaas oo ay isugu yimaadaan hey’addaha caalamiga ah iyo kuwa gaarka ah ee bixiya adeegyada Arrimaha Caafimaadka la xariira ee ka howlgala Muqdisho.

Shir weynahaan Caafimaadka la xariira oo ay soo agaasintay Waaxda Caafimaadka ee Dowalada Hoose Xamar ayaa intiisa badan ah mid islaxisaabtan ah oo ay hey’addaha Caafimaadka kusoo gudbiyaan adeegya ay bixiyaan tayadooda iyo sida ay bulshada ugu qidmeeyaan.

Warbixintaan waxa soojeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim.